Home Wararka Maanta Dowlada Britain oo Xabsi ku Xukuntay Ragii ka danbeeyay Rabshadaha ka socda...

Dowlada Britain oo Xabsi ku Xukuntay Ragii ka danbeeyay Rabshadaha ka socda Dalkaasi

0

Dalka Britain qeybo kamid ah maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday dibadbaxyo rabshado watay oo ay dhigayeen kooxo cunsuriyiin ah, kuwaa oo kasoo horjeeday dadka soo galootiga ah , gaar ahaan kuwa muslimiinta ah iyo kuwa kale ee Afrika iyo meelo kale ka yimid.

Ciidamada ammaanka dalka Britain ayaana xabsiga dhigay boqolaal qof oo kamid ahaa dadka dhigayay dibadbaxyada rabshadaha watay, kuwaa oo weeraro ku qaaday hoteelo iyo xarumo kale oo lagu hayay dadka magangalyo doonka ah ee dalkaasi kunool.

Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xabsi ku xukuntay saddex nin oo lagu eedeeyay falalkii rabshadaha watay intii ay socdeen abaabullaadi ka dhanka ahaa dadka soogalootiga ah ee ka dhacay waqooyiga England todobaadkii hore.

Saddexdan nin oo hormuud u ahaa dibadbaxyada rabshadaha watay ayaa maxkamadda ku xukuntay xabsiyo u dhaxeeya saddex sano, soddon bilood iyo labaatan bilood, waxaa sidoo kale la filayaa in xubno kale oo kooxda dibadbaxyada waday kamid ah iyana xukunno kale lagu rido.

Dibadbaxyada rabshadaha watay ee ka dhacay qeybo kamid ah dalka Britian ayaa ka dhashay weerar tooreey oo ka dhacay waqooyiga magaalada Southport oo lagu dilay saddex gabdhood oo da’yar ah, weerarkan ayaana lagu eedeeyay in uu geestay nin soo galooti ahaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here