Home Wararka Maanta Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer oo si adag uga hadlay Rabshadaha ka...

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer oo si adag uga hadlay Rabshadaha ka socda Wadankiisa

0

Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa cambaareeyay rabshadaha midigta fog ay wadaan kuwaas oo lagu arkay kooxo burcad ah oo gubay dhismayaal, weerarayay Muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay iyo isku dhacyo ay la galeen booliiska dhamaadkii isbuucan.

Isaga oo hadlaya Axaddii wax yar ka dib markii rabshadayaashu ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan dhismo ay magangelyo-doonku ku dhex jiraan, Starmer waxa uu yidhi: “Kuwa ka qaybqaatay rabshadahan waxay wajihi doonaan sharci adag.”

“Boolisku wuu soo xiri doonaa… waxaan dammaanad qaadayaa inaad ka shallaayi doonto ka qaybqaadashada khalkhalkan,” ayuu yidhi. “Dhammaan dadka caqliga leh waa inay cambaareeyaan rabshadaha noocan ah.”

Rabshado ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaala dalka Ingiriiska kadib warar been abuur ah oo lagu faafiyay internetka oo sheegaya in tuhmanaha loo haysto weerar mindi lagu weeraray koox qoob ka ciyaarka carruurta ah oo ku taal Southport Isniintii, kaasoo lagu dilay saddex gabdhood oo da’yar, uu ahaa tahriibe Muslim ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here