Home Wararka Maanta Nin Falastiini ah oo Labo Qof Toorey ku dilay Gudaha Israel

Nin Falastiini ah oo Labo Qof Toorey ku dilay Gudaha Israel

0
Nin Falastiini ah oo weerar ku qaaday bartamaha Israa’iil ayaa dilay laba qof, laba kalena dhaawacay, ka hor inta aysan booliiska toogasho ku dilin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Holon, oo u dhaw Tel Aviv. Ninka weerarka geystay ayaa dadka ku dilay meel u dhow xarun shidaal iyo beer lagu nasto, sida ay sheegtay adeegga ambalaasta ee Israa’iil.
Labo qof oo waaweyn oo kala ahaa nin iyo haweeney ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loola cararay isbitaalka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here