Home Wararka Maanta Toogashada ka dhacday Koonfurta Caasimada Stockholm oo Qof lagu dilay

Toogashada ka dhacday Koonfurta Caasimada Stockholm oo Qof lagu dilay

0

Nin 25 jir ah ayaa dhintay ka dib markii dhowr xabadood lagu toogtay maqaayad ku taal Midsommarkransen ee koonfurta Stockholm, sida ay booliiska Sweden ku soo qoreen boggooda internetka.

Booliiska ayaa goobta laga wacay  abaaro 11pm fiidnimadii ee Xalay. Ninka la toogtay ayaa markii hore laga daweeyay dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka.

Bilayska ayaa qoray in ay qabteen dhowr qof.

Dhowr qof ayaa goob joog ka ahaa toogashada, sida ay booliisku sheegeen, waxay bixiyeen xog muhiim leh oo baaritaan lagu hayo.

– Waa in ay jiraan dad badan oo ku sugnaa maqaayadda, ayay Aftonbladet u sheegtay Helena Boström Thomas oo ka tirsan booliiska Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here