Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Baaq kasoo saaray Xaalada Bariga Dhexe

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Baaq kasoo saaray Xaalada Bariga Dhexe

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda ka soo korortay Bariga Dhexe, ka dib weeraradii xagga cirka ee lagu dilay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh iyo Fu’ad Shukur oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Xisbullah.

Xisbullah ayaa shalay galab xaqiijisay geerida Fu’ad Shukur, kaas oo ay sheegtay in uu ahaa Abaanduulihii Garabka Militariga ee ururka, laguna dilay duqayn Talaadadii ka dhacday duleedka Magaalada Beirut. Saraakiisha Xisbullah ayaa laga soo xigtay in ay ka aargudan doonaan Israel, waxayna tani xoojisay hanjaabadihii Iran iyo Xamaas ee ku aaddanaa in ay u aargudi doonaan Ismail Haniyeh.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo gelinkii dambe ee Arbacadii kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada New York ayaa Rosemary DiCarlo, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ka dhageystay warbixin ku saaban kor u kaca xiisadda khatarta badan ee ka jirta gobolka.

“Weeraradii ugu dambeeyay ee dhacay waxay ka dhigan yihiin koror halis badan oo soo kordhay.” Ayay tiri haweeneydan oo xustay in colaadda muddada dheer ka jirta Marinka Gaza ay khatar dhab ah ku tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxay ka digtay xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay dilka Hoggaamiyihii Xamaas loogu gaystay Magaalada Tehran ee dalkaasi Iran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here