Home Wararka Caalamka Somalida Mareykanka oo taageeray Musharax Donald Trump

Somalida Mareykanka oo taageeray Musharax Donald Trump

0

Markii u horreysay xubno badan oo Soomaali ah ayaa gobolka Minnesota ku soo muujiyay inay taageersanyihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyagoo sidoo kale taariikhda markii u horreysay musharrax jamhuuri ah goob hal tallaabo u jirta la soo istaajiyay xubno Soomaali ah oo xisbiga taageersan inta ay socotay khudbadii uu habeen hore ka jeediyay magaalada St. Cloud, Trump iyo ninka uu usoo sharraxay ku-xigeenkiisa, xilli ololihiisa hore  isla gobolka uu Trump ka jeediyay hadallo ka dhan ah Soomaaliya.

Trump iyo jamhuuriga wali ma jiro xubno Soomaali ah oo jagooyin sare ay u soo sharraxeen , si la mid ah siyaasadda soo galootiga ayaa halkiisa u joogta jamhuuriga, haddii uu Trump guuleystana wuxuu dib usoo celin kara xannibaada muwaadiniinta Soomaalida.

Ololeeyaasha ugu caansanaa saddexdii doorasho ee u dambeysay oo ka wada tirsan xisbiga dimuqraadiga ee bulshada Soomaalida oo aan la hadlay , waxay ii sheegeen inaysan jirin wax iska beddelay saameynta bulsho Soomaaliyeed iyo taageerrada xisbiga dimuqraadiga, mid ka mid ah xubnaha Soomaalida ee xisbiga dimuqraadiga wuxuu yiri “ Gobolka Minnesota waa mid buluug ah , wax boos ah ugama bannaana midabka cas.”

Laakin taa oo jirta , qaybo badan oo bulshada Soomaalida ah ee gobolka Minnesota, waxay ii sheegeen inay aad uga niyad jabeen siyaasadda xisbiga dimquraadiga ee nabadgalyada gobolka iyo mowqifka dagaalka Qasa, taasoo suragal ka dhigi karta markii u horreysay inay jamhuuriga codad badan ka helaan bulshada Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here