Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay iyo natiijada weerarkii Maraykanka ee Suuriya iyo ciraaq

Wararkii ugu dambeeyay iyo natiijada weerarkii Maraykanka ee Suuriya iyo ciraaq

0
In this undated file photo released by the Taiwan Ministry of Defense, a Chinese PLA J-16 fighter jet flies in an undisclosed location. China sent a record 28 fighter jets, 14 of them J-16s, towards the self-ruled island of Taiwan on Tuesday, June 15, 2021, the island's defense ministry said, the largest such display of force since China started flying planes towards the island last year. (Taiwan Ministry of Defense via AP)

Kuwiinna hadda nagu soo biiraya, waxaan halkan ku soo koobaynaa arrimihii ugu waaweynaa tan iyo markii Maraykanku bilaabay duqaymaha habeenimo ee Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka: Mareykanku waxa uu duqeeyay 85 bartilmaameed, isagoo ka jawaabaya weerarkii lagu hoobtay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Axaddii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ku hanjabay: “Haddii aad dhaawacdo qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doonnaa”

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyay dallad maleeshiyaad ah oo ay taageerto Iiraan in ay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah

Suuriya: Dimishiq ayaa sheegtay in tiro dad ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymaha, waxayna sidoo kale sheegtay in qabsashada Mareykanka ee dhulka Suuriya aysan sii socon karin.

Ciraaq: Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymahaasi, ayna ku dhaawacmeen 25 kale. Baqdaad waxa ay sidoo kale ku eedaysay Maraykanka in uu Ciraaq iyo gobolka geliyey qalalaase weyn

Iran: Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Tehran ayaa “si adag” u cambaareeyay duqeymaha Mareykanka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah “madax bannaanida iyo xornimadi dhuleed” ee dalalka

Midowga Yurub: Iyadoo aan si toos ah looga hadlin falka, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay ka fogaadaan “dagaal ka qarxa” Bariga Dhexe

UK: Dhanka kale, dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay taageersan tahay xaqa Mareykanku uu u leeyahay in uu ka jawaabo weerarrada – iyadoo Mareykanka ku tilmaantay xulufo “adag”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here