Home Wararka Caalamka Muxuu Ahaa Go,aan Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka qaateen ee uu ka naxay...

Muxuu Ahaa Go,aan Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka qaateen ee uu ka naxay Madaxweyne Biden

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Dad badan oo Carbeed iyo Muslimiin codkooda dhiibtay oo la hadlay CNN ayaa sheegay in aysan u codeyn doonin dib u doorashada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sababo la xiriira taageerada hagar la’aanta ah ee uu u hayo Israa’iil iyo in uu ku guuldareystay in xabad joojin joogto ah laga sameeyo Gaza.

Wareegii doorashada madaxtinimo ee u danbeyay, Biden waxa uu taageero ka helay dhowr masuul oo caan ah oo Muslim Mareykan ah oo la soo doortay iyo hogaamiyayaasha bulshada. Laakiin markan, qaar badan ayaa xanaaqsan.

“Waxaan rumaysanahay inuusan u qalmin codadleena inaan siino” ayuu yiri Khalid Turaani oo ah 57 jir, fadhigiisuna yahay Michigan iyo la-guddoomiyaha cutubka gobolka ee dhaqdhaqaaqa Abandon Biden. “Ma dooran doono Joe Biden. Waxaan aaminsanahay in gacan-karnimadiisa iyo ka-qaybgalkiisa firfircoon ee xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Falastiin ee Gaza ay ka reebayso codkayga” ayuu intaas ku daray

Ololaha Abandon Biden ayaa laga sameeyay Minnesota ka dib markii koox Muslimiin Mareykan ah ay dalbadeen madaxweynaha inuu ku baaqo xabbad joojin ugu dambeyn 31-ka Oktoobar. .

Ugu yaraan 146,620 ka mid ah 200,000 oo ah codbixiyeyaal Muslim Mareykan ah oo ku nool Michigan ayaa codeeyay wareegga doorashada 2020, sida lagu sheegay falanqeyn ay sameysay Emgage. 2020, Biden wuxuu ku guuleystay Michigan boqolkiiba seddex dhibcood marka loo eego Trump. Afar sano ka hor, Trump ayaa gobolka kaga guuleystay musharaxa madaxtinimada xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton boqolkiiba 0.2.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here