Saleh al-Arouri wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya marka la eego hoggaanka Xamaas – wuxuu ahaa hormuudka xagga siyaasadda iyo militarigaba.
Ninkan oo 57 jir ahaa wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa Xamaas ee xafiiska siyaasadda, wuxuuna gacan ka geystay aasaaska garabka militari ee kooxda, Izz al-Din al-Qassam Brigades.
Wuxuu aad ugu lug lahaa weligiiba arrimaha militariga kooxda Xamaas.
Waxaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka koofurta Bayruut ku yaalla ee Dahiyeh, wuxuuna ahaa weerar si weyn loogu eedeeyay Israa’iil.
Saleh al-Arouri ayaa Xamaas ku biiray sanadkii 1987, wuxuuna gacan ka geystay joogitaanka militariga kooxda ee Daanta Galbeed ee la heysto.
Wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Xamaas ee aadka ugu dhow Iiraan iyo kooxda ay taageerto ee Xisbullaahi-da Lubnaan.
Muddo ayuu ku xirnaa xabsiyada Israa’iil. Kaddib markii lasoo daayay wuxuu dhexdhexaadiye ka ahaa heshiis lagu sii daayay 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddeshay sii deynta sarkaalka Israa’iiliga ah Gilad Shalit kaasoo lasii daayay sanadkii 2011.
Taariikhdu markii ay ahayd 27 October sanadkii hore ciidamada Israa’iil ayaa burburiyay gurigii u uku lahaa Daanta Galbeed gaar ahaanna magaalada uu kasoo jeedo ee Arura, meel u dhow Ramallah. Arouri wuxuu ku noolaa Lubnaan kahor geeridiisa.
Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warrantay in lagu dilay duqeymo cirka ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka fuliyeen xafiiska Xamaas ee magaalada koofurta Beyruut ku taalla ee Dahiyeh, waxaana lala dilay lix kale oo la sheegay inay sidoo kale xubno ka ahaayeen Xamaas.
Tan keliya kuma saabsana cidda la dilay balse waa halka lagu dilay. Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa lagu dilay meel ka tirsan Lubnaan oo ay Xisbullah ku xooggan tahay taas ayaana arrinta ka dhigeysa mid cakiran.
Raysal wasaaraha Lubnaan Najiib Miiqaati ayaa dilka ku tilmaamay dembi dagaal oo cusub oo ay Israa’iil gashay kaasoo ujeeddadiisu tahay in Lubnaan laoso dhex geliyo weji cusub oo dagaalka ah.
Xisbullah ayaa weerarkan ku tilmaantay “weerar khatar ah oo lagu soo qaaday Lubnaan, dadkeeda, ammaankeeda, [iyo] geyigeeda” waxayna ka digtay in “dembigan aan la cafin doonin iyadoo aan jawaab laga bixin”.
Izzat Al-Rishq, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadeed ee Xamaas ayaa isna ku tilmaamay “dil wuxuushnimo ah oo ay geysteen Israa’iil”.
Militariga Israa’iil weli kama aysan hadlin weerarkan, iyagoo BBC u sheegay inaysan ka jawaabin wararka ay baahiyaan warbaahinta ajnabiga ah.
Israa’iil ayaa la sheegaa inay geysato dilalka qorsheysan ee ka dhaca dhul ajnabi ah, balse inta badan kama hadasho weerarrada ka baxsan xadduudaha. Mark Regev, oo la taliye u ah Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ma uusan sheegin in Israa’iil ay mas’uul ka tahay balse wuxuu weerarka ku tilmaamay “duqeymo ku habboon” oo ka dhan ah hoggaanka Xamaas.
Dalka iyo gobolka guud ahaanba wuxuu si walwal leh haatan uga dhursugayaa sida ay Xisbullah uga falcelin doonto, iyo in dagaalka Israa’iil ee Gaza uu kusii baahi doono Lubnaan.