Taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Xamaas uu sii socon doono bilooyin kale oo badan
Madaxa Ciidamada Difaaca Israel (IDF) Herzi Halevi Herzi Halevi ayaa sheegay in dagaalka ka socda wax uu ugu yeeray “aag adag” uu sii socon doono bilo kale oo badan
“Waxaa u howlgali doonaa siyaabo kala duwan si guulo loo gaaro. waqti ka dib,” ayuu yiri Taliyaha.
Wasiirka difaaca Yoav Gallant ayaa mar sii horeysay carabka ku adkeeyay dagaal dheer oo soo socda, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay ku jirto dagaal is difaac ah sida uu yiri. dalkana laga soo weeraray jihooyin badan.
Hase yeeshee calaamadahaasi waxay argagax galiyeen beesha caalamka, iyadoo tirada dadka ku dhintay go’doominta Gaza ay sii kordhayso.
Tirada dhimashada Gaza ayaa kor u dhaaftay 20,000, iyadoo ku dhawaad 55,000 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Faransiiska ayaa aad uga walaacsan ku dhawaaqista Israa’iil ee ah in dagaalka Gaza uu sii xoogeysan doono oo uu sii socon doono muddo dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay Talaadadii.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku cel-celisay baaqeeda ku aaddan xabbad-joojin deg-deg ah, iyadoo sheegtay in duqeymaha ay sababeen khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah maalmihii lasoo dhaafay.
Toddobaadkii hore, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay in la dagaallanka Xamaas aysan macnaheedu ahayn duqeynta dadka rayidka ah.