Home Wararka Caalamka Khudbadii Raisal Wasaaraha Sweden ee ku aadan Xaalada Amaan ee Dalka

Khudbadii Raisal Wasaaraha Sweden ee ku aadan Xaalada Amaan ee Dalka

0
Foto: Stefan Jerrevång / TT

Isagoo khudbad u jeedinayay shacabka maanta, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa xaqiijiyay go’aanka dowladdiisa ee ah in ay baacsato oo ay ka taqalusto burcadda.

Kristersson waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: Sweden waxa ay maraysaa wakhti adag.

Waxa uu sheegay in uu u yeeri doono Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, si ay ugala hadlaan sidii Ciidamada Booliska ay u taageeri lahaayeen, si ay uga hortagaan xaaladaha taagan, isagoo ku micneeyay in Dowladiisu ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaanka u ah soo celinta ammaanka.

Waxa uu u arkayay in dadka ay fal-dembiyeedyadani sida aadka ah u saameeyaan ay ku nool yihiin meelaha lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo la takooro oo tabar daran.

Waxa uu intaa ku daray: “Hadda waxaa soo badanaya carruurta ay saameeyaan dembiyadan. “Sweden waligeed ma arag wax sidan oo kale ah.”

“Sharciga Iswidishka looma dajin dagaal jabhadeed iyo askareyn caruur, laakiin hadda waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan wax uga bedeli lahayn,” ayuu yiri, isaga oo tilmaamaya tallaabooyin dhowr ah oo ay dowladdu qaaday si ay u bedesho siyaasadda socdaalka iyo dembiyada.

Kristersson ayaa sidoo kale sheegay in maalinta berito ah uu la kulmi doono taliyaha guud ee ciidamada Micheal Biden iyo taliyaha booliiska qaranka Anders Thornberg si uu u ogaado sida ciidamada qalabka sida ay gacan uga geysan karaan la dagaalanka kooxaha dambiilayaasha ah.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan bixinaynaa agabkii lagama maarmaanka ahaa, wax walbana miiska ayay saaran yihiin.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan rajeynayaa in dhammaan xisbiyada baarlamaanka Sweden ay ku midoobi karaan tallaabooyinka adag iyo kuwa aan caadiga ahayn ee loo baahan yahay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay u mahad celiyay dadka ka shaqeynaya xalinta dhibaatooyinka kooxaha burcadda ah ee ka jira Booliska, Garsoorka, Adeegga Bulshada iyo Iskuullada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here