Dowladda Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday baaritaan dhanka sharciga ah oo ay ku soo rogtay sida loo soo gudbinayo dadka sida sharci darada ah ku jooga dalka,
tallaabadaan ayaa la filayaa inay dhaliso dhaleeceyn siyaasadeed iyo diidmo ballaaran oo kaga timid hay’adaha xuquuqul insaanka.
Wasiirada arimaha soo galootiga Maria Malmer Steinergaard ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay in baarayaashu ay u xil saareen dib u eegis balaaran oo ku aadan waajibaadka warbixinta ee saaran shaqaalaha dowlada si ay dadka sharci darada ah ugu soo wargaliyaan hey’ada laanta socdaalka iyo booliska Sweden.
Wasiirku waxa uu tixgeliyey in Iswiidhan ay ku sii kordhayso dhibaatada degenaanshaha sharci darrada ah iyo in u suurtagelinta dawladda in ay la socoto dadka Sharci darada ah ee dagan wadanka.
Sidaa darteed, baaritaanku wuxuu diiradda saari doonaa kontaroolada gudaha ee la xiriira ajaanibka iyo daraaseynta suurtagalnimada in la sameeyo baaritaan aan toos ahayn, oo ay ku jiraan raadinta taleefannada, iyo xoojinta shaqada ee soo celinta kuwa aan degenayn wadanka.
Waxayna ka hadashay Dadka isku kooxda ah ee ka dhalata degenaanshaha sharci darrada ah, iyada oo sheegtay in “ay keento khataro badan gaar ahaan haweenka iyo carruurta.”
Sida ay sheegtay Wasiirada, waxaa jiri kara ilaa 100,000 oo qof oo si sharci darro ah ku jooga Sweden.
Baaritaanku wuxuu daraaseyn doonaa suurtagalnimada isticmaalka xogta biometric sida faraha, oo ay ku jiraan carruurta da’doodu ka yar tahay 14 sano jir, aqoonsiga wejiga, iyo DNA, iyo sidoo kale baabi’inta sharciga xaddidan ee amarrada masaafurinta, iyo soo celinta kuwa la tarxiilay.
Xigasho: www.svt.se