Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa oggolaanshaha baarlamaanka dalkiisa ku xiray in Sweden ay xubin ka noqoto NATO iyo fulinta ballan qaadyadeedii hore u jiray.
Wuxuu sheegay in xawaaraha uu baarlamaanka Turkiga ku ansixiyo xubinimada NATO ay ku xiran tahay hadba sida ay Sweden uga dhabeyso ballan qaadkeeda, wuxuuna sidoo kale si toos ah ula xiriiriyay xaaladda amni ee “waddada” Sweden iyo ansixinta baarlamaanka dalkiisa.
Waxa uu intaasi ku daray “Mowqifkeenu wuu ka duwanaan doonaa hadii uu sii socdo weerarka lagu hayo xurmadayada, isla markaana aan la xakamaynin wadooyinka Stockholm”, isaga oo ka hadlayay calanka xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) oo kor loo qaadayo mudaharaadyo ka dhacay magaalada Stockholm.
Wararka kale ee Maanta
AD