Home Wararka Caalamka Nin Xaaskiisa hore dilay oo Muuqaalka Dilka ku baahiyay Baraha Bulshada

Nin Xaaskiisa hore dilay oo Muuqaalka Dilka ku baahiyay Baraha Bulshada

0

Nin Bosnia ah ayaa dilay xaaskiisii ​​hore, taas oo uu ku galay dambi si toos ah looga baahiyay bartiisa Instagram-ka. Waxa uu sidoo kale uu dilay labo qof oo kale iyaga oo baxsanaya ka hor inta uusan isaga isdilin Jimcihii, sida ay sheegeen booliiska iyo warbaahinta.

Bayaan ka soo baxay booliska magaalada Tuzla ee waqooyi bari Bosnia, ayaa lagu sheegay in marka laga soo tago saddexda qof ee dhintay, saddex qof oo kale uu sidoo kale dhaawacay ninka, ka hor “inta uusan gacan ku dhiiglaha isdilin

Ninkan oo ay warbaahinta Bosnia ku sheegtay Nermin Sulemanović oo ka soo jeeda Gradacac, ayaa markii u horaysay subaxnimadii jimcaha soo galiyay muuqaal aad looga xumaado Instagram-ka , isaga oo daawadayaasha u sheegay in ay si toos ah u arki doonaan dil uu geesanayo.

Ka dib waxa uu soo bandhigay muuqaal isaga oo qori sida kadibna geesanaya dilka waxana xiliga dilka la maqlayay caruur goobta ku sugneyd.

Somaliska Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here