Dawlada Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo uu maqnaan doono aan la sheegin mudda uu maqnaan doono kadib markii Arbacadii uu nin kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku jeexjeexay dabna ku qabadsiiyay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm, warkaasina waxaa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda Marooko.
Wasaaradda Arimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin” sida ay wakaaladda wararku ku tiri qoraalka ay faafisay.
Dhacdadan lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa halis gelineysa inay ka careysiiso Turkiga oo diidan codsiga ay Sweden ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto gaashaanbuurta NATO, maadaama booliiska Sweden ay oggolaanshiyo siiyeen in la qabto mudaaharaadka lagu gubay kitaabka.
Mudaaharaadyo is daba joog ah oo ka dhacay Sweden oo looga soo horjeedo Islaamka, laguna doonayo xuquuqda Kurdiyiinta ayaa ka careysiiyay Ankara, iyadoo Sweden ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay uga mid noqoto xulufada NATO.
Dawlado Badan ayaa Cambaareeyay Falka ay ku kacdaay Dawladaa Sweden oo uu Turkiga Ugu Horreeyo waaxaana Sweden ay u muuqataa Mid Turkiga uu ka hor istaagi doono ku biiritaankeeda NATO.