Benjamin Netanyahu ayaa muddo dheer sawir murugo leh ka bixinayay Iran iyo khatarta la sheegay inay Israa’iil ku hayso. Isla markaana waxa uu aad ugu taamayay in uu caadi ka noqdo xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo dalka Iran ee ay xafiiltamaan ee Sucuudiga.
Xidhiidhka u dhexeeya Tehran iyo Riyaad waxa uu yeeshay waji halis ah markii Sucuudigu dil toogasho ah ku fuliyay 2016-kii caalim Shiico ah oo caan ahaa. Waxay sababtay in dad careysan ay weerar ku qaadeen safaaradda Sacuudi Carabiya ee caasimadda Iran. Sacuudi Carabiya ayaa kaga jawaabtay inay jarto xiriirkii diblomaasiyadeed.
Sanadkii la soo dhaafay, Ciraaq ayaa dhexdhexaadisay labada dal, waxaana jiray wadahadallo dhowr ah oo ka dhacay Baqdaad. Shiinaha ayaa sidoo kale ku lug yeeshay, waxaana wakiillada Iran iyo Sacuudi Carabiya ay heshiis ku gaareen Beijing dhammaadka usbuuca inay dib u furaan safaaradahooda laba bilood gudahood.