Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay suurtagalnimada weeraro Argagixiso oo ka dhaca dalka Sweden, sababo la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay gubitaanka Qur’aanka.
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Stockholm ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Sweden in ay “iska ilaaliyaan dadka isku soo baxa”.
Waxyaabaha kale ee ay safaaraddu sheegtay ayaa waxaa ka mid ah “Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagula talinayaa in ay taxadar muujiyaan marka ay ku sugan yihiin goobaha caamka ah ee ay ku badan yihiin dadka”.
Afhayeen u hadlay booliska nabadsugida, “Säpo” Adam Samara, ayaa sheegay in digniinta la tixgeliyey.
“Marka la eego qiimeynteenna, heerka khatarta argagixisanimada hadda waxba iskama beddelin oo weli heer sare ayuu joogaa,” ayuu raaciyay.
Isla mar ahaantaana, säpo wuxuu si dhow ula socdaa horumarada dhacdooyinkii u dambeeyay.
Waxayna safaaraddu tilmaamtay dhowr qodob oo ay tahay in muwaadiniinteedu ay ka qaataan, iyadoo iska ilaalinaysa inay dadku isku soo baxaan oo ay la socdaan waxa ay warbaahinta gudaha ka sheegaan, iyadoo sidoo kale la socota wararka ku saabsan bogga internetka ee safaaradda Maraykanka.
Heerka khatarta argagixisada ee Sweden ayaa lagu qiyaasaa saddex ka mid ah shantii, taas oo macnaheedu yahay khatar aad u sareysa iyo suurtagalnimada weerar.
Qiimayntan heerkan waxa ay jirtay ilaa 2010 marka laga reebo mudo u dhaxaysa Noofambar 2015 ilaa March 2016 markaas oo heerka khatarta ah laga dhigay afar.