Home Wararka Caalamka Dadka heesta Daganaanshaha Rasmiga Lagama Ceshan doono ” Wasiirada Socdaalka

Dadka heesta Daganaanshaha Rasmiga Lagama Ceshan doono ” Wasiirada Socdaalka

0
Foto: Jonas Ekströmer / TT

Wasiirka socdaalka ee dalka Maria Malmer Steinergaard oo wareysi siisay idaacada Ekot ayaa xaqiijisay in aan sharciga daganaanshaha rasmiga ah lagala laaban doonin dhamaan dadka heysta sharciga degenaanshaha.

Waxa ay sheegtay in dadka Sweden u yimid shaqo ama waxbarasho ay ilaashan karaan degenaanshiyaha iyo goobta ammaan ee Sweden.

Waxay xustay in, soo jeedinta ku jirta heshiiska Tedo ee ah in ogolaanshaha joogitaanka joogtada ah loo beddelo ogolaansho ku meel gaar ah ay ku jiri doonto waxyaabo ka reeban.

Welwelka iyo su’aalaha ayaa kor u kacay soo jeedinta ku jirta heshiiska Tidö ee ah in sharciga degenaanshaha rasmiga ah ee hore loo bixiyay laga noqdo.

Dalka Sweden ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 300,000 oo qof, waxaana qorshahan cusub ee dowladda cusub ay keentay in loogu hanjabo inay kala laaban doonaan degenaanshiyaha rasmiga ah.

Waxayna wasiirku ku macneeyeen in ka noqoshada degenaanshiyaha rasmiga ah ay khusayso oo kaliya ogolaanshaha degenaanshaha ee la xidhiidha magangalyada. Tani maaha “xaalad shaqaale muhaajiriin ah iyo arday,” ayay tidhi

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here