Shalay oo Arbaco ah Qarax ayaa ka dhacay Caasimada Stockholm gaar ahaan Koonfurta Caasimada.
Sida Warbaahinta tabineyso Qaraxa ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaalla Nawaaxiga Farsta iyadoo jugta Qarax laga maqlay Nawaaxigaasi.
Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo lagu Magacaabo Farstabon Tobias Hellström ayaa sheegay in Qarax xoogan ay maqleen kaasi oo ruxay Daqadaha Dabaqa.
Sida Booliska Shaaciyay ma jiro Cid loo qabtay Qaraxa ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm isla markana Baaritaan uu socdo iyagoo intaasi ku daray in qofna aysan waxyeelo kasoo gaarin Qaraxa.
Warar aanan Xaqiijin karin ayaa sheegaya in Qaraxa uu Xiriir la leeyahay Qof Dhawaan lagu dilay Xaafada Rinkeby waa sida ay tabinayaan dhanka Warbaahinta.
Lasoco Waxa ku soo kordha