Home News in English Barlamaanka Sweden oo doortay Afayeenka Barlamaanka

Barlamaanka Sweden oo doortay Afayeenka Barlamaanka

0
Photo/Jonas Ekströmer / TT

Baarlamaanka Sweden ayaa dhawaan mar kale u doortay Andreas Norlen oo ka tirsan xisbiga Moderaterna kadib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay afhayeenka baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale u doortay Kenneth G Forslund  oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Afarta xisbi ee garabka midig ayaa xilka ku xigeenka labaad u doortay julia Kronlid oo ka tirsan xisbiga SD. Xisbiga deegaanka ayaa u magacaabay musharaxooda, Janin Eriksson.

Dhanka ku xigeenka saddexaad, xisbiga Vänsterpartiet ayaa magacaabay Lotta Johnsson Fornarve, halka xisbiga dhexe uu u magacaabay Kirsten Lundgren.

Xisbiyada garabka midig ayaa ku dhawaaqay inay ka tanaasuli doonaan codeynta jagooyinka guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo saddexaad ee Baarlamaanka, “iyaga oo ixtiraamaya musharaxiinta ay xisbiyada kale u soo sharaxeen jagooyinkan”.

Dhanka kale xisbiga Socialdemokraterna ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u codeynta ku xigeenada labaad iyo saddexaad.

Guddoomiyaha baarlamaanka waa xafiiska ugu sarreeya ee Sweden laga soo doorto, wuxuuna ka sarreeyaa ra’iisul wasaaraha. Waa jagada labaad ee ugu sareysa dalka kadib boqorka. 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa haga shaqada baarlamaanka, isaga laftiisuna waa xildhibaan, balse kama qayb galo shaqada guddiyada, doodaha iyo codeynta golaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here