Guddoomiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Jimmy Okesson ayaa sheegay in xisbiga Socialdemokraterna uu khatar la taaban karo ku hayo Sweden.
Wax yar ka hor ayuu Okesson qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay weerarkii afka ahaa ee uga yimid xisbiga Socialdemokraterna, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay todobaadkii hore, kaasoo uu ku sheegay in SD ay khatar ku yihiin amniga iyo siyaasadda dibadda ee Sweden.
Okeson wuxuu dhaleeceeyay siyaasadaha dowladda ee ku saabsan dembiyada, daryeelka caafimaadka, dugsiyada iyo shaqo la’aanta.
Waxa uu sheegay in xisbiga Socialdemokraterna uu gacanta ku hayo dowladda ay ka muuqato fadeexado badan iyo siyaasad aan mas’uul ahayn oo xaaladda Iswiidhishka uga sii daraysa.
Wararka kale ee Maanta
AD