Taasi waa sida ay sheegeen maamulka Texas.
Ilaalada xudduudaha Mareykanka (CBP) iyo mas’uuliyiinta Mexico ayaa helay meydadka Khamiistii.
Sida laga soo xigtay CPB, 37 qof ayaa laga soo badbaadiyay webiga halka 16 kalena la xiray. Maamulka Mexico ayaa xiray 39 qof oo kale.
Waxaa socda baadigoobka dad badan oo ku jira wabiga, maamulka ayaa sheegay Jimcihii.
Baaritaano ay sameysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka iyo kuwa kale ayaa tilmaamaya in dhimashada ay sii kordheyso maadaama tirada isku dayada isgoysyada ay kordheen.
30-kii sano ee la soo dhaafay, kumannaan ayaa ku dhintay iyagoo isku dayaya inay Mareykanka ka soo galaan Mexico, inta badan fuuqbaxa ama qarqashada.