Sidaas awgeed, 195,000 oo muhaajiriin ah ayaa la aqbali doonaa sanadka ilaa 30ka Juunyo. Waxay helayaan deganaansho rasmi ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Claire O’Neil ayaa sheegtay in kalkaaliyaasha Australiya ay shaqeynayeen labanlaab iyo saddex jeer labadii sano ee la soo dhaafay, in duullimaadyadii la joojiyay sababo la xiriira shaqaale la’aan iyo in ay dayacmeen beeraha dalka sabab la xiriira shaqaalo la’an.
O’Neil wuxuu sheegay in dowladdu ay wax walba ka hormarisay shaqooyinka Australiya, laakiin masiibada corona ayaa noqotay mid aad u daran oo ay dowladdu ka yaraan doonto dhowr kun oo shaqaale ah muddada gaaban, in kasta oo ay “fiirinayaan dhammaan xulashooyinka kale” .