Home News in English Dood ka taagan Ilmo Saddex Sano jir Qaxooti ah oo u geeriyooday...

Dood ka taagan Ilmo Saddex Sano jir Qaxooti ah oo u geeriyooday Dayac loo geestay

0

Dood ayaa ka taagan Dalka Holland kadib markii ilmo saddex sano jir ah ay u geeriyootay Dayac loo geestay.

Dalka Holland waxaa iska dhiibay Qaxooti badan sanadihii ugu danbeeyay taasi oo keentay in Qaxootiga seexdaan goobo banaan.

Dadka qaar ayaa seexday Goob lagu jimicsado banaankeeda iyadoo dadkaasi lagu sheegay 700 qof waxana ku jira ilmo yar oo saddex sano jir ah.

ilmahan yar ayaa u dhintay dayaca waxana arintaasi keentay in dood badan laga keeno sida dowlada ula dhaqmeyso Qaxootiga.

Wasaarada cadaalada ee dalka Holland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay “Wakhtigan xaadirka ah, wax badan lagama oga sababaha keenay geerida ilmahan, balse gurmadkii ugu horeeyay ee la siiyay aysan ku badbaadin.

Dalka Holland ayaa qaabilay Qaxooti badan waxana badankood dowlada ay u awoodi wayday inay dajiso guryo taasi oo keentay in dadka qaar seexdaan banaanada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here