Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Taiwan, diyaaradaha iyo maraakiibta ayaa ka howlgalayay marin biyoodka Taiwan ee u dhaxeeya Taiwan iyo Shiinaha, waxaana qaarkood ay ka gudbeen khadka dhexe ee aan rasmiga ahayn.
Shiinaha ayaa dhoolatuskii militari ee abid ugu ballaarnaa ka bilaabay agagaarka Taiwan, taasoo jawaab u ah booqashadii haweeneyda Congress-ka Mareykanka ka tirsan ee Nancy Pelosi, xilli ay booqasho ku mareysay Bariga Aasiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Jason Wu ayaa cambaareeyay dhoolatuskan, wuxuuna ku tilmaamay mid halis ah oo kor u sii kacaysa khatarta militari ee ruxaysa nabadda iyo xasilloonida aaggaas.
Dhoolatuskan oo qeyb ka ah, ayaa Shiinuhu waxa ay rideen kow iyo toban gantaal oo nooca ballistic-ga ah, kuwaas oo mid ka mid ah uu si toos ah u dulmaray Taiwan, markii ugu horreysayna uu ku soo dhacay meel u dhow caasimadda Taipei.
Shan kale ayaa ku degay aagga dhaqaalaha ee Japan, taas oo loo fasirtay digniin ku socota Japan in aysan faragelin.