Booliska Magaalada Malmö ayaa ku dhawaaqay inay hayaan Basabooro badan kuwaasi oo Dadka wali aysan soo qaadan.
Basaboorada ayaa ah kuwa gaaraya 10,000 kun oo mudo yaalay Xafiiska Booliska iyadoo Dadkii lahaaa aysan soo qaadan.
“Hadda waxaan haynaa ku dhawaad 10,000 oo baasabooro ah iyo kaararka aqoonsiga qaranka. Waxay buux dhaafiyeen sanduuqyada,” ayuu yiri Henrik Mårtensson, maamulaha qeybta baasaboorka ee booliiska Malmö.
Maamulka ayaa intaa ku daray inay heystaan mudo saddex bilood ah hadii Dadka ay ku soo doonan waayaan in laga kansalidoono isla markana ay mid Cusub soo dalbanayaan.
Wararka kale ee Maanta
AD