Home News in English Dowlada oo Adkeeneysa Qaxootiga kasoo galaya Xaduudka

Dowlada oo Adkeeneysa Qaxootiga kasoo galaya Xaduudka

0

 Ra’iisul wasaare Magdalena Andersson ayaa sheegtay in dowladdu ay dooneyso in la xoojiyo xakameynta dadka soo galaya Sweden, lana siiyo booliska iyo ilaalada xeebaha awood ay ku baaraan dadka ajnabiga ah haddii ay ka shakiyaan si ay u helaan baasaboor ama dukumentiyo kale oo aqoonsi ah marka ay soo galayaan dalka.

Andersson ayaa intaa ku dartay in dowladdu ay eegi doonto waxa ay ugu yeertay “guryaha kirada ah” oo ay dad badan ku nool yihiin guryo cidhiidhi ah, oo inta badan qandaraasyo madow ah, taas oo ay ku sheegtay in ay sabab u tahay sababta keentay in Sweden ay soo wajahdo soo galooti heer sare ah iyo is dhexgalka liita. Sida uu sheegay TT.

” Dambiilayaasha marar badan lagu helo dambiyada culus waa in ay xabsiga ku jiraan waqti ka badan inta ay maanta ku jiraan,” ayay ra’iisul wasaaruhu ku sheegtay socdaal ay ku tagtay Växjö halkaasoo ay shalay ku booqatay saldhigga booliiska, iyadoo ka digtay inay kor u kacdo rabshadaha xilliyada xagaaga.

“Qof walba oo marar badan xabsiga loogu xukumay dambiyo culus waa inaan la sii dayn ka dib markii uu dhameystay saddex meelood labo meel xukunka,” ayay tidhi Andersson, iyadoo oo xusay in dowladdu ay billowday baaritaan arrintan la xiriira.

Andersson ayaa xustay in dad badan ay ka walaacsan yihiin  dembiyada Sweden, sharcigu kuma filna, bulshaduna aad bay u liidatay.

Dawladdu waxa ay doonaysaa in ay fududayso sidii ay guriga uga saari lahayd kiraystaha dambiilayaasha ah ee guryaha kirada ah ka dhigta saldhig dagaal iyo ka ganacsiga maandooriyaha. “Derisku waa in ay guryahooda joogaan halkii ay dambiilayaal ka ahaan lahaayeen,” ayay tidhi Andershon.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here