Carruurta iyo haweenkan ayaa ku sugnaa xerooyinka Al-Roj iyo al-Hol ee Kurdiyiinta ay maamulaan ee waqooyi bari Suuriya tan iyo markii IS looga adkaaday goobta dagaalka.
“Faransiiska ayaa maanta qaaday dib u celinta 35 caruur ah oo faransiis ah oo aan qaan-gaarin, kuwaas oo ku sugnaa xerooyinka waqooyi bari ee Suuriya, howlgalka waxaa sidoo kale ka mid ah hooyooyinkood oo isla xerooyinkaas laga keenay” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.
Carruurta ayaa waxaa gacanta ku haya hay’adda badbaadada carruurta, halka hooyooyinka ay halis ugu jiraan in sharciga la horkeeno, sida la sheegay.
Tobanaan kun oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda IS ayaa ku jira xeryo ku yaalla deegaankaas, halka ehelada haweenka iyo carruurta dalal badan ay ku jiraan xeryo gaar ah.
Maamulka reer galbeedka ayaa ka caga jiiday inay soo qaadaan haweenka iyo carruurta, inkastoo is-maamulka Kurdiyiinta ay ka baryeen inay sidaas sameeyaan.