Wakiilo ka kala socda labada dal ayaa Talaadadii ku sugnaa dalka Qatar, balse ma u kulmi doonaan fool ka fool. Wufuudda ayaa fadhiisan doona qolalkooda, waxayna la xaajoon doonaan dhexdhexaadiye.
Sannadkii 2015-kii, Iiraan iyo dhowr waddan oo waaweyn ayaa heshiis Nukliyeer ah wada galay, kaas oo dhigaya in waddanku xaddido tayeynta Uranium-ka, si looga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee saaran Iran. Sannadkii 2018-kii, madaxweynaha Maraykanka ee xilligaas, Donald Trump, ayaa doortay inuu Maraykanka ka baxo heshiiskan.
Trump ayaa dib u soo celiyay cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Iran, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay uu dalkaasi dhowr jeer jebiyey heshiiska.