Home News in English Digniin laga soo saaray App-ka Swish-ka ee been abuur ka ah

Digniin laga soo saaray App-ka Swish-ka ee been abuur ka ah

0

Booliska Sweden ayaa cusbooneysiiyay digniinta ku saabsan soo ifbaxa codsiyada been abuurka ah ee adeegga lacag-bixinta mobilada ee “Swish App”

Toddobaadyadii u dambeeyay, waxaa codsigan lagu arkay dukaamo badan oo dalka ku yaalla, iyadoo Shaqaalaha dukaamada arkaya in lacagta alaabta loo bixiyay qaab Swish ah iyagoo wali aanan helin wax lacag ah.

“App-yadaan waxaa lagu faafiyaa, tusaale ahaan, Tiktok iyo Instagram, waxaana inta badan isticmaala dadka da’da yar, qaarkood xitaa da’doodu waa 18 jir,” Lotta Mauritzson, oo ka tirsan xarunta dambi-baarista booliiska qaranka ayaa u sheegtay TV-ga Sweden.

 Xaalado badan oo khiyaano ah waxay ahayd ilaa 600 SEK hal iibsi, taasina waxay noqon kartaa lacag aad u badan, sida uu sheegay Mauritzson.

Soo ifbaxa khayaanada ayaa ka joojisay dukaanka weyn ee Norshping inuu aqbalo Swish lacag ahaan.

“Tani waa dhacdo cusub, waana arki doonaa sida uu u ekaan doono baaritaanka mustaqbalka,” Mauritzson ayaa sidaas yidhi

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here