Göteborg ayaa noqonaysa magaaladii ugu horeysay ee Iswiidhan ugu weyn ee lagu soo rogo imtixaano luuqada iswidhishka ah oo lagu sameeyo dadka doonaya in ay ka shaqeeyaan daryeelka waayeelka. Maanta ayaa la filayaa in golaha deegaanka uu go’aan ka gaaro arrintan oo muddo dhowr sano ah muran ka dhex dhalisay siyaasiyiinta.
Baaritaan ay sameeyeen mas’uuliyiinta degmadu waxay ku taliyeen inaan la qaadin imtixaanada luqadda, inkastoo ay jiraan tusaaleyaal “guuleystay” degmooyinka kale ee galay imtixaanka. Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga talada haya ee Göteborg ma aqbalin taladaasi wali.
Warbixinnada ayaa farta ku fiiqay dhibka haysta shaqaalaha daryeelka waayeelka oo aan si fiican ugu hadli karin luqadda iswiidhishka. Arrintan ayaa si gaar ah loo soo hadal qaaday xilli uu jiro xiisadda Corona iyo kororka tirada dhimashada ee guryaha dadka da’da ah.
Kulankii golaha madaniga ee maanta ayaa aqlabiyad cad lagu ansixiyay ku dhaqanka imtixaanaadka sida kuwii horay uga socday degmada Butcherka. Haddii la ansixiyo, go’aanku wuxuu noqon doonaa magaaladii ugu horreysay ee ugu weyn ee lagu soo rogo imtixaannada. Sida laga soo xigtay SVT.
Degmada Butcherka waxay codsanaysa imtixaano ku salaysan in codsadaha lagu meeleeyo deegaan la mid ah jawiga shaqada dhabta ah si loo hubiyo sida uu ula xiriiro waayeelka.