Rasmus Paludan oo midigta fog ayaa racfaan ka qaatay go’aanka booliiska ee ah in aan loo ogolaanin in uu mudaaharaad ka sameeyo Porås jimcaha soo socda.
Booliiska laftooda ayaa hadda go’aan ka gaaraya racfaanka.
“Saraakiisha ayaa hadda dib u eegis ku sameynaya go’aanka bilayska ee lagu mamnuucay,” afayeenka Bilayska ee Degmada Galbeedka Moline Salestrom ayaa sidaa sheegay.
Haddii booliisku ku adkaysto go’aankooda, kiiska waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda maamulka. Sida uu sheegay TT.
Baluddan waxa uu u gudbiyay booliiska codsi ah inay qabtaan kulan dadweyne oo uu ugu yeedhay ” isu soo bax doorasho” oo ka dhacay Porås Jimcaha soo socda, Abriil 29. Codsigaas ayuu ku sheegay in uu gubi doono Qur’aanka Kariimka ah inta uu shirku socdo.
Wararka kale ee Maanta
AD