Si kastaba ha ahaatee, Pentagon-ka ayaa diiday inay shaaciso tirada, nooca ama dalka ay ka soo jeedaan diyaaradaha dagaalka iyo qaybaha diyaaradaha.
Afhayeen John Kirby ayaa saxaafadda u sheegay Talaadadii in ciidamada Ukraine “hadda ay haystaan” diyaarado dagaal oo ka badan kuwii ay haysteen laba toddobaad ka hor.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Maraykanku uu ka qayb qaatay shixnadaha “Spare parts” oo ka qayb qaatay baahiyahooda duulimaadka.
– Laakin ma aanan daabulin dhamaan diyaarada, ayuu raaciyay Kirby.
Ukrain ayaa muddo dheer ugu baaqday reer galbeedka inay dalka siiyaan diyaarado dagaal. Dhamaadkii bishii March, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine waxa uu sheegay in Maraykanku aanu hadda ka hor iman in diyaaradaha dagaalka ee Poland lagu wareejiyo dalkaas.
Intaa ka hor, Pentagon-ka ayaa diiday qorshe u ogolaanaya Poland in ay u soo dirto Ukraine diyaaradaheeda MiG-29 ee xilligii Sofiyeedka iyada oo la sii marayo saldhigga milatari ee Maraykanku ku leeyahay Jarmalka.
Walaaca ka jira Washington ayaa sabab looga dhigay in wareejinta diyaaradaha dagaalka ay keeni karto iska horimaad toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka, taasoo keeni karta in dagaalka uu sii xoogeyst