– Haddii aan aragno khatarta sii kordheysa ee ka dhanka ah Iswiidhen oo la xiriirta dhacdadan ama dhacdooyinka kale, waa nala soo ogeysiin lahaa, ayuu yiri madaxa ciidamada cirka Carl-Johan Edström oo u warramayay wakaaladda wararka ee TT Arbacadii.
TV4 -ga Sweden ayaa sheegay in qaar ka mid ah xogta laga helay diyaaradihii ku soo xadgudbay hawada Gotland.
2-dii bishii Maarso ayey ciidamada qalabka sida ee Iswiidhan sheegeen in afar diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo nuucyadooda kala ah Su-27 iyo Su-24 ay ku soo xad gudbeen hawada Sweden.
Ciidanka Cirka ee Sweden ayaa u diray diyaarado dagaal si ay u soo qabtaan. Xogta TV4 ayaa sheegeysa in ay ahaayeen diyaaradaha la weeraray ee Su-24 kuwaas oo lagu rakibay hubka Nukliyeerka ah.
Xadgudubka lagu sameeyay hawada ayaa socday muddo ku dhow hal daqiiqo, waxaana uu ka dhacay xeebaha bariga Gotland, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay dhoolatus ciidan oo wadajir ah ka sameeyeen badda Baltic. Wasiirka difaaca Peter Hultqvist ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid aad u daran.