Tani waxaa sheegay Madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel Jimcihii ka dib wadahadalladii ka dhacay Qasriga Versailles ee ka baxsan Paris. Wadarta guud waxay u dhigantaa ku dhawaad ​​5 bilyan Koron.
Sidoo kale todobaadkii hore, wadamada Midowga Yurub waxay go’aansadeen inay 500 milyan oo Yuuro ku bixiyaan kaalmada milatari ee Ukraine.Â
Tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee taariikhda Midowga Yurub uu midawgu go’aansado in uu maalgeliyo hubka iyo qalabka la geeyo dal aan Midowga Yurub ka tirsanayn oo uu la kulmay duulaan.
Dalalka Midowga Yurub ayaa qorshahooda ugu jirin in Ciidan u diraan Dalka Ukraine lakin taasi badalkeeda waxay shaaciyeen inay ka caawinayaan dhanka hubka iyo sahayda.
Ruushka ayaa duulaan xoogan ku qaaday Dalka Ukraine taasi oo galaafatay nolosha dad badan oo u dhashay dalkaasi.