Ruushka ayaa ku andacoonaya inuu hayo cadaymo muujinaya in Maraykanku uu hubka kiimikada iyo bayoolojiga ah ku soo saaro dhulka Ukraine. Horaantii todobaadkan, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu maalgeliyo shaybaadhada sirta ah iyo warshadaha hubka ee Ukraine, taas oo Maraykanku u diiday borobogaando. War saxaafadeed ay soo saareen , waxay ku eedeeyeen Ruushka inuu faafiyay shirqoollo uu ugu fududeynayo dagaalkiisa.
“Tani waa sida iska cad tusaale kale oo ah habka uu Ruushku marmarsiiyo uga dhiganayo dagaal hor leh iyo weerarro lagu qaado Ukraine,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.
Maamulka Mareykanka ayaa hadda ka dhawaajinaya qaylo-dhaanta, iyagoo ka baqaya in eedeymahan ay yihiin kuwii ugu dambeeyay uguna halista badnaa ee Ruushka uuna ku sii wadayo dagaalka Ukraine.
Aqalka Cad ayaa ku andacoonaya inuu hayo cadeymo muujinaya in Ruushka uu isticmaali doono hubka kiimikada iyo bayoolojiga mustaqbalka dhow, mana meesha ka saarayaan in dalkaasi uu adeegsan karo hub yar oo Nukliyeer ah.