Home Wararka Maanta Qiimaha Shidaalka ee Sweden oo maanta Gaaray meel sare

Qiimaha Shidaalka ee Sweden oo maanta Gaaray meel sare

0

Saaka, dalka Sweden ayaa laga diiwaan geliyay sare u kac cusub oo ku yimid qiimaha shidaalka, kaasoo ku saabsan saameynta isbeddelka ku yimid qiimaha saliidda adduunka ee ay saameeyeen isbeddellada juqraafiyeedka gaar ahaan dagaalka Ukraine iyo saameyntiisa.

Qiimaha shidaalka ayaa kordhay 95 öre ilaa 22.99 SEK litirkii saaka, halka qiimaha naaftada uu sare u kacay 1,50 karoon oo dheeraad ah, hal habeen. Qiimaha litir ka dib korodhka wuxuu noqonayaa 26.97.

Qiimaha saliidda ceyriinka ayaa sare u kacay suuqyada caalamka, Isniintii, ka dib markii Mareykanka uu ku hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono shidaalka laga keeno Ruushka.

Qiimaha fuustada Saliida ayaa subaxnimadii Talaadada gaaray $127, taasoo aan ka fogeyn halkii ugu sarreysay oo ah $140.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here