Wareegii koowaad ee wada-hadallada Ukraine iyo Ruushka ee looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Moscow iyo dariskeeda ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin.
Wadahadallada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda Belarus iyo Ukraine Isniintii iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadeen weerarrada ay ku hayaan magaalooyinka Ukraine – oo ay ku jirto magaalada labaad ee ugu weyn, Kharkiv – maalintii shanaad ee duulaanka Ruushka.
Kaaliyaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in wadahadal uu la yeeshay saraakiisha Ukraine uu qaatay ku dhawaad shan saacadood.
Vladimir Medinsky, oo madax u ahaa wafdiga Ruushka, ayaa sheegay in labada dhinac “ay heleen qodobbo gaar ah oo mawqifyada guud la saadaalin karo”. Wareeg kale oo wadahadal ah ayaa la isku raacay, ayuu yiri Medinsky.
Mykhailo Podolyak, oo ah lataliyaha sare ee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa bixiyay tafaasiil yar marka laga reebo in uu sheegay in wadahadalada diiradda lagu saarayo suurtagalnimada xabbad-joojin iyo in wareeg labaad uu dhici karo “mustaqbalka dhow”.
“Kulanka soo socda wuxuu ka dhici xaduuda Poland-Belarusia maalmaha soo socda, waxaa jira heshiis ay sameenayaan labada dhinac,” ayuu yiri Medinsky.
Jonah Hull oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo waramaya magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, ayaa sheegay in “wax la yaab leh aysan ahayn” in wax horumar ah aan la gaarin, mana jirto “wax calaamad ah oo muujinaya in labada dhinac ay gaaraan heshiis dhab ah.
“Labada wafdi waxay ka soo baxeen wada hadal shan saacadood ah. Dhinacyada Ruushka iyo Yukreeniyaanku waxay aqoonsadeen qaar ka mid ah mawduucyada mudnaanta leh oo ay ku qeexeen go’aannada qaarkood,” ayuu raaciyay.
“Ma cadda waxa mawduucyadaas mudnaanta leh ay noqon karaan… laakiin dhinaca Ukraine, waxay raadinayaan xabbad joojin degdeg ah iyo ka bixitaanka degdegga ah ee ciidamada Ruushka … iyo dhinaca Ruushka, waxay raadinayaan dammaanad ku saabsan dhexdhexaadnimada Ukraine iyo inaysan waligeed ku biirin NATO.”