“Shirkadaha diyaaradaha ee ka imaanaya goboladan iyo kuwa ka diiwaan gashan, waxaa la saaray xayiraad dhanka duulimaadyada ah ee ku wajahan dhulka Ruushka, oo ay ku jiraan duulimaadyada sii mara hawada Ruushka” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen maamulka duulista hawada Ruushka.
Ruushka ayaa horay hawada uga xiray diyaaradaha Britain.
wadooyinka Ukraine waxaa ka dhacaya Dagaalo xoogan iyadoo ciidamada Ruushka ay ku sii siqayaan magaalada, waxaana saraakiisha Ukraine ay ku booriyeen dadka deegaanka inay Defaacaan dagaalka.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in guulo laga gaaray weerarada, balse dagaalku uu ka socday meel u dhow caasimadda. Iska horimaadyo ka dhacay cidhifka magaalada oo ay ku nool yihiin ku dhawaad saddex milyan oo qof ayaa soo jeediyay in cutubyo yar yar oo Ruushku ay baarayeen difaacyada Ukraine si ay u banneeyaan waddo ay u maraan ciidamada ugu muhiimsan.
Sabtida maanta waxa ay ku beegan tahay maalintii saddexaad ee duullaan baaxad leh oo dhul, bad iyo cir ah oo uu amray madaxweyne Vladimir Putin, kaas oo noqday duullaankii ugu weynaa ee Ruushku sameeyo tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.