Booliska dalka Faransiiska, ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku dilay Saldhigga Gare du Nord ee magaalada Paris Nin Toorey ku weeraray, sida uu Idaacadda RMC u sheegay Wasiirka Gaadiidka Faransiiska Jean-Baptiste Djebbari.
Dhacdadan ayaan loo malaynayn inay tahay mid argagixiso, ayuu yidhi wasiirku.
“Qofkii soo weeraray isla goobta ayuu ku dhintay,” ayuu yiri Djebbari, isagoo intaas ku daray in laba askari oo booliis ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Gare du Nord waa mid ka mid ah saldhigyada tareenada ee ugu weyn Yurub, waxayna hoy u tahay adeegyada tareenada caalamiga ah ee isku xira Britain iyo Belgium. Djebarri ayaa sheegay in shilkan uu sababay hakad weyn oo isu socodka gaadiidka subaxnimadii Isniinta.
Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa goor sii horeysay sheegay in shilkan uu dhacay abaaro 7-dii subaxnimo ee subaxnimadii Isniinta, isagoo intaa ku daray in aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday.
Djebbari oo u waramayay RMC Radio ayaa sheegay in falkan aan loo malaynayn in uu xidhiidh la leeyahay argagixisada, ninka la toogtayna ay hore boolisku.