Home Wararka Caalamka Giriiga 11 Qof oo ku dhimatay Dooni ku dagtay Xeebaha Dalkaasi

Giriiga 11 Qof oo ku dhimatay Dooni ku dagtay Xeebaha Dalkaasi

0

11 qof ayaa dhintay kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay jasiirad ku taal dalka Giriiga oo u dhaxaysa dhul waynaha iyo Crete. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 90 qof oo dhamaantood tahriibayaal ahaa.

Maalin ka hor ayay ahayd markii shil kan la mid ah uu dhacay – doon siday dad tahriibayaal ah ayaa ku degtay jasiiradda Folegandros ee dalka Giriiga.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku qiyaastay in 2,500 oo qof ay ku dhinteen badda January ilaa November ee sanadkan iyagoo isku dayaya inay gaaraan Yurub.

Waqtiga ayaa ah waqtiga ugu adag ee badda madama uu jiro Qabow lakin Dadka Tahriibayasha ayaa ah kuwa fursad walbo ay helaan ku soo gala bada.

Xiliga Kuleelaha ayaa ah mid halista ay yartahay marka la eego Kuleelka iyo in qofka uu mudo ku jiri karo badda hadii markaasi uu heesto Jaakada badbaadada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here