Home Wararka Maanta Sweden oo Maanta Xiyaraado kale ku soo rogtay Basaska iyo Tareenada Dalka

Sweden oo Maanta Xiyaraado kale ku soo rogtay Basaska iyo Tareenada Dalka

0

iyadoo shalay Dowlada ay ku dhawaaqday in Qofka soo galaya wadanka uu heesto Tijaada Corona 48 Gudahooda Nuuca PCR hada waxay dhanka kale maanta ku dhawaaqday Xayiraado Cusub oo gudaha ah.

Xayiraadaha ayaa quseeya Safarada Basaska iyo Tareenada safraya in ka badan 150 kiilo mitir iyadoo Shirkada markaasi iska leh gadiidka looga baahanyahay in Qof walbo u qabato booskiisa booska uu fadhiisanayo halka maanta uu qofka uu fadhiisto goobta uu markaasi ku soo aado.

Arintaasi ayaa ka dhigan in Qofka uu sii ogyahay halka booska uu ka leeyahay tareenka ama baska ama goobta markaasi uu seexanayo.

Dowlada ayaa sidoo kale ka codsatay shirkadaha in Dadka safarka la siiyo macluumaad ku aadan sida loo yareen karo Corona iyo Qodobo kale.

ugu danbeyn Dadka Safarka ku imaanaya Sweden Warqada tijaabada waa inay ku jirtaa magaca iyo taariikhda dhalashada qofka, taariikhda iyo wakhtiga la qaaday, nooca tijaabada,  magaca iyo cinwaanka hay’adda ama shaybaarka sameeyay baaritaanka.

Shahaadada waxaa lagu qori karaa Iswidish, Danish, Norwegian, English ama French.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here