Wararka laga helayo Turkiga ayaa sheegaya Tahriibayaal kasoo baxay Turkiga kuna sii jeeday Giriiga ay la dagtay doontii ay la socdeen.
Dadkan ayaa marka hore u qeelo dhaan dirsaday Ciidanka Turkiga markii ay ogaadeen in Matoorka doorta uu soo wajahay cilad.
Qeylo dhaan kadib waxaa la helay 1 Qof oo meyd ah iyadoo 20 ka badan wali la la’yahay.
Tirada Doonta saarneyd ilaa hada ma cada iyadoo ciidanka labada dhinac ay wali raadinayaan dadkaasi.
Xaalada Bada u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa ah mid adag tan iyo markii tahriibayaasha ay bilaabeen inay ka gooshaan labada dhinac.
Wararka kale ee Maanta
AD