Dowlada Giriiga ayaa bilowday dhismaha Darbi ay kaga hortageyso qaxootiga kasoo tagaya Dalka Afganistan ee imaanay Yurub.
Giriigga ayaa ka dhisaya xuduudda Turkiga xayndaab dhererkiisu dhan yahay 40 kiiloomitir iyada oo laga cabsi qabo inay kororto tirada muhaajiriinta.
“Ma sugi karno saamaynta ka dhalan karta annaga oo aan waxba samayn,” ayuu yiri Michalis Chrysochoides, Wasiirka Ilaalinta Muwaadiniinta Giriigga, mar uu booqday gobolka Evros.
Wuxuu intaas ku daray, “Xuduudaheennu waxay ahaan doonaan kuwo sii jira.”
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taleefan kula hadlay ra’iisul wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis in kororka tirada badan ee dadka ka tagaya Afgaanistaan ​​ay caqabad weyn ku noqon karto qof walba.
Somaliska Stockholm