Home Wararka Maanta Haweeney lagu dilay Degmada Luleå iyo Qof loo xiray Falkaasi

Haweeney lagu dilay Degmada Luleå iyo Qof loo xiray Falkaasi

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Nin soddon jir ah ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu toogasho ku dilay gabadh dhallinyaro ah Degmada Luleå. Dilka la tuhunsan yahay ayaa ka dhacay meel u dhow meel lagu maydho Falkan ayaana dhacay habeenkii Jimcaha.

22:00 fiidnimo ee Jimcihii ayay ahayd markii bilayska ay ku wargeliyeen dadka deggan aagga Notviken ee Luleå, ka dib markii jug weyn oo aad mooddo rasaas la maqlay.

Goobta, meel u dhow meel lagu qubeysto, ayaa laga helay haweeneyda dhimatay oo 25 -jir ahayd.

Intii lagu guda jiray waqtiga baaritaanka boolisku wuxuu geeyay koox wax baarto si loo ogaado qaabka uu falka u dhacay.

– Waxaan u adeegsannay dhammaan agabyadii aan haysannay, ayay TT u sheegtay Karin Markaberg, oo ah madaxa qaybta baaritaanka ee aagga booliiska Norrbotten.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here