Home News in English Dowlada Sweden oo laga yaabo in ay Dhacdo Maalinta Isniinta

Dowlada Sweden oo laga yaabo in ay Dhacdo Maalinta Isniinta

0
Foto: TT

Xaalada Siyaasada Sweden ayaa mar kale dib u soo laabatay markii Xisbiyada ka jira Dalka qaar kamid ah kasoo horjeesteen xukuumada hada taagan.

Maalinta Isniinta ee nagu soo wajahan waxaa jirta codeyn ku aadan Dowlada Sweden hadii aysan helin kalsoonida Barlamaanka waxay noqoneysaa in Dowlada Cusub lasoo dhiso.

ku dhawaad 4 Xisbi ayaa hada kasoo horjeeda Dowlada oo raba in la rido waana kala bar xubnaha barlamaanka ugu jira Xisbiyada taasi oo ah walaac cusub.

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay arintaan ayaa ka niyad jabay marka la eego xaalada uu hada wadanka ku jiro ee Corona waxana uu yiri.

– Iswidhan waxay ku jirtaa xaalad adag. Fayraska corona wali wuu sii fidayaa . Markaas waa inaan helnaa dowlad si dhakhso leh wax u go aamini karta, ayuu yiri Stefan Löfven.

xaalada Cusub ee ku soo korortay siyaasada Sweden ayaa timid markii Xisbiga Vänsterpartiet uu sheegay in aysan mardanbe aaminidoonon Dowlada.

– Dowladdu waxay isku dayday inay na khiyaanayso. mana aysan nasiin balamihii aan ku balamay hogaamiyaha xisbiga Bidixda ee Nooshi Dadgostar ayaa u sheegtay Raadiyaha Sweden.

Inta lagu jiro dhamaadka usbuuca, dowladdu waxay isku dayi doontaa inay xalliso dhibaatada. Raiisel wasaaraha wuxuu rabaa inuu joojiyo codbixinta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here