Dowlada Holland ayaa maanta dadweynaha ku wargalisay in ay goor hore adeegtaan madama wadanka la xiray mudo todobaad ah.
Raiisel wasaaraha Nederland ayaa goordhaw shaaciyay in laxirayo sababo laxariira infekshanka coronavirus ee wadanka kusii kordhaya.
– Nederland waxay xirnaan doontaa muddo shan toddobaad ah, ayuu yiri ra’iisul wasaare Mark Rutte oo khudbad jeedinayay.
Xiritaanku wuxuu ka dhigan yahay in dukaamada aan iibin raashinka ama daawooyinka ay tahay inay xirmaan. Sidaas oo kale waa in iskuulada, matxafyada iyo goobaha jimicsiga xirmaan.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, khudbadu waxay sababtay in dad badani ku soo qulqulaan carwooyinka iyo dukaamada si ay u dhamaystiraan dukaamaysiga ciida masiixiga .
Wararka kale ee Maanta
AD