Home Wararka Caalamka Isbitaalada Switzerland oo ka codsanaya wasiirka caafimaadka inuu adkeeyo xayiraadaha coronavirus

Isbitaalada Switzerland oo ka codsanaya wasiirka caafimaadka inuu adkeeyo xayiraadaha coronavirus

0

Agaasimayaasha shan ka mid ah cosbitaalada waaweyn ee Switzerland ayaa warqad u qoray wasiirka caafimaadka iyaga oo weydiisanaya in si deg deg ah wax looga qabto yareynta cudurada loo yaqaan coronavirus, sidaana waxaa Axadii qoray wargayska SonntagsZeitung.

Agaasimayaasha isbitaalada jaamacadaha ee Zurich, Bern, Basel, Lausanne iyo Geneva ayaa warqadooda ay u direen wasiirka caafimaadka Alain Berset waxay ku sheegeen in cudurka faafa uu ku qasbayo inay dib u dhigaan qaliinka bukaanada xaaladaha kale ee nolosha halista ku ah halka sariiraha daryeelka degdega ahna ay gabaabsi yihiin.

In ka badan 4,000 oo qalliin ayaa dib loo dhigay shanta isbitaal tan iyo bishii Oktoobar, sida uu wargeysku sheegay.

Switzerland waxaa si ba’an ugu dhacay cudurka, iyada oo kudhowaad 5,000 oo kiis oo cusub oo COVID-19 ah maalin kasta la diiwaangaliyo. Qiyaastii 1.3% dadka ayaa cudurka ku dhacay 28-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Jimcihii dowladda Switzerland waxay ballaarisay xayiraaddeeda, iyadoo amartay dhammaan makhaayadaha, dukaamada iyo baararka in la xiro 7-da fiidnimo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here