Home Wararka Maanta Hay’ada Trafikverket oo Shaqaalaheeda Waydiisay Hadii ay ka shaqeyn karaan Daryeelka Caafimaadka

Hay’ada Trafikverket oo Shaqaalaheeda Waydiisay Hadii ay ka shaqeyn karaan Daryeelka Caafimaadka

0

Gobolka Stockholm ayaa toddobaadkan ka digay in shaqaalaha ku jira qeybaha daryeelka deg degga ah aysan ku filneyn taasi oo keeni karta in shaqaalaha ay yaraadaan.

Agaasimaha Caafimaadka Björn Eriksson ayaa ka codsaday caawimaad dhamaan ilaha suurtagalka ah,codsiga ayaa loo gudbiyay Maamulka Gaadiidka Iswiidhan kuwaasi oo durba shaqaalaha u shaqeeya ee u tababaran Caafimaadka ka codsaday hadii ay ka shaqeyn karaan qeybta Daryeelka Caafimaadka ee Stockhom

Fursadaha jira ayaa ah inay jiraan shaqaale caafimaad u tababaran oo ka tirsan Trarfikverket, ”ayuu yiri agaasimaha saxaafadda ee Maamulka Gaadiidka Sweden Bengt Olsson.

Sweden ayaa gabaabsi ka ah dhanka shaqaalaha Caafimaadka ee Wadanka taasi oo keentay in codsiyo loo diro qeybaha kale ee wadanka si loo helo shaqaalo ku filan.

Heerka Corona ee wadanka ayaa maraya meel adag waxana dowlada ay ku celisay sharciyada in ay sii socondoonaan ilaa sanadka cusub.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ Radiosverige qeybta Afka-Swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here