Dugsiyada sare ee Iswiidhan waxay u wareegi doonaan barashada fogaanta laga bilaabo Isniinta. Tan waxaa loo sameeyaa isku day la doonayo in lagu yareeyo faafitaanka infekshinka bulshada Sweden dhexdeeda – iyo gaar ahaan dhalinyarada.
Ra’iisul wasaare Stefan Löfven ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay TV-ga Sweden ee SVT , oo ku saabsan xayiraadaha cusub ee corona ee Kirismaska.
– Waxa aan hadda sameyno ayaa go’aaminaya sida aan ugu dabaaldegi karno Kirismaska. ayuu yidhi Stefan
Go’aanka xiritaanka ayaa bilaabanaya laga bilaabo 7-da Diseembar ilaa 6-da Janaayo
– Ujeedada ayaa ah in la yareeyo culeyska taraafikada ee tusaale ahaan. Gaadiidka dadweynaha. Laakiin waxaan sidoo kale aragnaa faafitaan ballaaran oo infekshin ah , ayuu yidhi.
Sweden ayaa wajaheysa Xaalad Cusub oo dhanka Coronavirus iyadoo dhimashada Corona ay kor u dhaaftay 7,000 kun.
Somaliska Stockholm